Shiinaha ayaa jawaab ka bixiyey amar ay dowlada Mareykanku ka soo saartay TikTok.

Shiinaha ayaa ku eedeeyay Mareykanka inuu si xad dhaaf ah uga falceliyay ka dib markii shaqaalaha dowladda Mareykanka lagu amray inay ka saaraan app-ka TikTok taleefannada ay dowladda mareykanku bixiso.

Isniintii, Aqalka Cad ayaa soo saaray amar uu wakaaladaha dowladda 30 maalmood ku siiyay inay hubiyaan in shaqaaluhu aanay haysan app-ka Shiinaha laga leeyahay ee TikTok.

Amarka ayaa daba socda dhaqdhaqaaqyo la mid ah midka ay qaateen Midowga Yurub iyo Canada toddobaadyadii la soo dhaafay.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaa ku eedeeyay Mareykanka in uu ku takri falay awoodda dowladda si uu u cabudhiyo shirkadaha shisheeye.

TikTok ayaa wajahaysa eedeymo ah in ay Uruuriso xogta dadka isticmaala bartaasi isla markaana ay la wadaagto dowladda Shiinaha, iyadoo qaar ka mid ah hay’adaha sirdoonku ay ka walaacsan yihiin in macluumaadka xasaasiga ah la soo bandhigo marka app-ka lagu soo dejiyo aaladaha dowladda.

TikTok waxay sheegtay in aanay waligeed u hogaansami doonin amarka lagu wadaagayo xogta dadka isticmaala app-ka waxayna ku adkaysanaysaa in aanay u shaqaynayn si ka duwan shirkadaha kale ee warbaahinta bulshada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.