Ambasador baashe cawil xaaji cumar oo hore usoo noqday safiirkii hore ee somaliland ufadhiyey dalaka kenya iyo imaaraatka carabta isla markaana ka tirsan xisbiga kulmiye ayaa ka hadlay xaalaada somaliland.
Baashe cawil ayaa xaalka somaliland ku tilmaamey mid wanaagsan oo nabad ah wuxuu ka hadlay sidoo kale doorashooyinka somaliland oo rajeeyey inay qabsoomaan doorashooyin nabad ah .
wuxuu ka hadlay musharaxnimada xisbiga kulmiye ee doorashada soo socota wuxuuna sheegay in musharaxa xisbigaasi uu yahay Madaxweynaha somaliland muuse biixi cabdi.