Wariyaha ciyaaraha ee Fabrizio Romano ayaa soo bandhigay xogtii u dambaysay ee mustaqbalka xiddiga reer Croatia ee Luka Modric ee Real Madrid, saacado kaddib markii la sheegay in uu kubbad-sameeyahani go’aan ku gaadhay in uu iskaga tago Real Madrid.
Koox Sucuudiga ka dhisan oo aan la magacaabin ayaa waxay Luka Modric usoo bandhigtay heshiis saddex sannadood ah oo uu ku qaadanayo 120 milyan oo Euro, taas oo la sheegay in ay laacibkan ku qasabtay in uu go’aansado in uu iskaga tago Real Madrid, sida ay warbaahinta Spain maanta sheegtay.
Laakiin Fabrizio Romano ayaa waxa uu kusoo warramayaa in Luka Modric aanu wali aqbalin dalabka uga yimid Sucuudiga, isla markaana uu doonayo in uu sii joogo Los Blancos oo sannad heshiis ah uu u saxeexayo.
“Qorshaha Modric wuu cadyahay. Waxa uu doonayaa in uu joogo Real Madrid, mana jiro dookh kale oo maskaxdiisa ku jiray waqti dheer.” Ayuu yidhi Fabrizio Romano. Waxa uu intaas raaciyey: “Xiddiga Croaatia waxa uu toddobaadyo ka hor heshiis cusub oo soconaya illaa June 2024 la gaadhay Real Madrid, waanu sii joogi doonaa. Wax isbeddel ahna kuma aanu keenin heshiiska Real Madrid la gaadhayso BVB ee Jude Bellingham.”