Koomishinar Kaltuun sheekh xasan oo ka hadashay khilaafka ka taagan Somaliland

koomishinarad hore kaltuun sheekh xasan oo shir jaraa’id ku qabatay magaalada hargeysa ayaa ka hadashay xaalada wakhtigan ka taagan somal;iland oo ay kamid yihiin dagaalada ka socda Gobolka bariga somaliland ku yaala ee sool iyo Khilaafka Doorashooyinka somaliland oo muran xoogani ka taagan yahay.

kaltuun sheekh xasan oo ka tirsaneyd koomishanki hore ee doorashooyinka somaliland ayaa waxay sheegtay in xeer loo ghelo qabsoomidda Doorashooyinka ururada siyaasada oo xukuumada somaliland dabada ka riixeyso qabsoomidooda .

waxay sidoo kale ka hadashay dagaalada muddaba ka socday gobolka sool ee somaliland waxayna sheegtay in dagaalkaasi aanu ahayn mid ay soo abaabuleen shacabka magaalada laascaanood ee uu yahay mid ay wadaan cadawga Somaliland.