Koomishanka Doorashooyinka Somaliland oo sheegay in doorasho ka dhaceyso somaliland.

Guud ahaanba Gobolada sanaag saaxil iyo awdal ee somaliland waxaa maalinka berri ah oo ku beegan 13 bisha may ka bilaabmi doonta qaadashada kaadhka codbixinta oo hore somaliland goboladeeda ay shacabku iskaga diiwaan geliyeen .

Munaasibado furitaan u ahaa qaadashada kaadhka codbixinta oo ka kala dhacday Boorama Bebera iyo Ceerigaabo ayaa markii ugu horeysay waxa afhayeenka Koomishanka Doorashooyinka somaliland uu shaaciyey in wixii ka dambeeya bisha juun oo ah wakhtiga lasoo dhameystirayo qaadashada kaadhka codbixiyeyaasha ee gobolada somaliland uu dalku geli doono jawi doorasho.

dhinacyada isku haya Somaliland ee siyaasada ayaa hore ugu kala aragti duwanaa nooca doorasho ee ka dhaceysa somaliland maadama ay mucaaradku doonayaan inay qabsoonto doorashada Madaxtooyada somaliland halka xukuumaduna ay dooneyso inay qabsoonto doorashada ururada siyaasadu.
Goaanka kasoo bixi doona koomishanka ayaa noqon doona mid ukala gar naqi doona dhinacyada isku haya Siyaasada Somaliland ee mucaaradka iyo Xukuumada somaliland.