Kumuu ahaa Cismaan Indhoole ?

Allaha u naxariistee, waxaa shalay magaalada Hargeysa ee xarunta Jamhuuriyadda Somaliland ku geeriyooday Cismaan Axmed Xassan (Cismaan Indhoole), oo ahaa barasaabkii ugu horreeyay ee magaalada Hargeysa.

Cusmaan Axmed Xasan, wuxuu dhashay sanadkii 1924-kii, wuxuu ku dhashey meel miyi ah, oo la yiraahdo Sool Qori Jab, taasoo ah goob koonfur kaga beegan Yagoori, Caynabana bari ka xigta, sida ay qoyskiisa u xaqiijiyeen BBC.

Waqti ku beegan sanadkii 1932-dii, isagoo siddeed jir ah, ayuu aabbihii geeyey magaalada Cadan ee dalka Yemen, dabadeedna waxaa la geeyey dugsi Qur’aanka, iyadoo markii danbana loo wareejiyey dugsi hoose/dhexe, oo xilligaas ahaan jiray toddobo sano.

Markaa kadib, sanadkii 1941-kii, ayuu shaqo bilaabay, isagoo markaa ku biiray ciidanka cirka ee Ingiriiska, markaa kadib, 1942-dii, ayuu dib ugu soo noqday Berbera.

Sanadkii 1942-dii, ayey dowladdii Ingiriiska ee markaa ka talinaysay Somaliland, waxey u qaadatey Cismaan inuu ku shaqeeyo Karaani, wuxuu Karaani u noqday ciidankii Ingiriiska.

Xilalkii uu soo qabtay

Sanadkii 1956-dii, ayaa waxbarasho jaamacadeed loo diray barasaab Cismaan, iyadoo uu ku biiray jaamacad ku taalla Ingiriiska, wuu soo dhammeystay waxbarashadii jaamacadda sanadkii 1959-kii.

Dhamaadkii sanadkii 1959-kii, magaalada Ceerigaabo, ayuu ka noqday barasaab.

Taariikhdu markii ay ahayd 26-kii bishii June, ee 1960-kii, ayaa wuxuu noqday barasaabkii magaalada Hargeysa, iyadoo waqtigaa Somaliland oo dhan ay isku ahayd gobol kaliya, isagoo jagadaasi hayey illaa iyo sanadkii 1961-kii.

Waqti ku beegan bishii sagaalaad ee sanadkii 1961-kii, ayaa laga baddalay jagada barasaabka magaalada Hargeysa, iyadoo loo wareejiyey magaalada Muqdisho, isagoo ku biiray shaqaalaha wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladdii Soomaaliya.

Bilawgii sanadkii 1962-dii, ayaa waxaa loo magacaabay Cismaan Axmed inuu noqdo safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Faransiiska.

Sanadkii 1965-tii, ayaa waxaa loo baddalay safiirkii Soomaaliya u fadhiyey dalkii la isku oran jiray Midowgii Soofiyeeti.

Dalka Soomaaliya, ayay dowladdii xiligaasi dib ugu soo celisay, iyadoo sanadkuna uu ku beegnaa 1968-dii.

Sanadkii 1968-dii illaa iyo bishii June ee sanadkii 1975-tii, ayaa wuxuu ahaa aggaasimihii wasaaradda caafimaadka.

Bishii lixaad ee sanadkii 1975-tii, ayaa waxaa uu kamid ahaa agaasimayaal iyo safiiro laga ruqseeyey shaqadii dowladda.

Maxaa lagu xasuusan Doona ?

Barasaab Cismaan, ayaa waxaa lagu xasuusan doonaa shaqada uu bilaabay sanadkii 1941-kii, illaa iyo 1975-tii, inuu lasoo shaqeeyey dowladihii kala danbeeyey ee Somaliland iyo Soomaaliyaba inuu lasoo shaqeeyey.

Sanadkii 1975-kii, markii laga ergeyey shaqadii dowladda Soomaaliya, ayaa waxa uu u dhoofay dalka Sucuudiga.

Sanadkii 1980-kii, ayaa waxaa uu noqday guddoomiyihii guddigii ugu horeeyey ee qaban qaabada dhismaha jabhaddii SNM, iyadoo abaabul kaasi uu ka dhacay dalka Sucuudiga.

Wuxuu noqday Cismaan Axmed wakiilka Somaliland ee Ingiriiska sanadihii 1994-tii, illaa iyo sanadkii 2006-dii.

Sidoo kale, barasaab Cisman Axmed, ayaa waxaa lagu xasuusan doonaa sidii hawlkarnimada lahayd, ee uu ula soo shaqeeyey maamulladii Soomaalida ee kala danbeeyey.