Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, ayaa taageerayaashiisa kula hadlay afaafka hore ee Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Ankara. Khudbadiisa ayuu kaga hadlay sida “qofna aan looga guuleysan” iyo in “85 milyan oo qof ayguud ahaan guuleysteen “. Erdogan waxa uu intaa ku daray in hadda la joogo wakhtigii aan “midoobayn lahayn oo aan meel uga soo wada jeedsan lahayn himilooyinka iyo riyooyinka qarankeena”.
Erdugan ayaa shanta sano ee soo socota hogaamin doona dalka Turkiga waana madaxweynihii 13aad ee uu yeesho dalka Turkigu.