Banaan-baxayaashi ugu badnaa oo iskugu soo baxey wadanka Israa’iil.

Tobanaan kun oo Israa’iiliyiin ah ayaa toddobaad walba muddo shan bilood ah ka mudaaharaadayay dib-u-habayn la qorsheeyay oo lagu samaynayo maxkamadaha.

Dadka dhaliila ayaa sheegaya in arrintan ay khatar ku noqon karto madax banaanida garsoorka.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa dib u dhigay isbeddelka si uu isugu dayo inuu la xaajoodo mucaaradka.