Ka dib bilo olole ay wadeen labaatameeyo xisbi siyaasadeed, afar musharrax oo madaxweyne iyo isbahaysi doorasho oo jahawareersan, codbixiyayaasha Turkiga ayaa u dareeraya goobaha codbixinta, maanta oo Axadd ha, si ay udoortaan Madaxweynaha Rasmiga ah ee waddanka Turkiga.
Doorashada madaxtinimo ee ku celiska ah ee u dhaxaysa madaxweynaha talada haya ee Recep Tayyip Erdogan iyo hogaamiyaha mucaaradka Kemal Kilicdaroglu ayaa noqonaysa waqtigii ugu dambeeyay ee doorashadan oo si weyn loogu Calaaamadiyey inay tahay doorashadii ugu muhiimsanayd ee Turkiga ka dhacda taariikhda dhow.
xilliga doorashada oo si rasmi ah u billowday 18-kii March, ayaa la arkayay is-beddelo badan oo kala duwan, waxaana ugu yaab badnaa Erdogan oo jahawareer ku sameeyay saadaasha ra'yi ururinta ee la filayo inuu ku dhammaan doono Kilicdaroglu, balse waxa uu si dirqi ah ku waayay inuu ku guuleysto markiisa saddexaad ee madaxtinnimada wareegga koowaad ee Doorashadan.
Tan iyo codbixintii ugu horreysay ee May 14-keedii – oo ay barbar socdeen doorashooyinkii baarlamaanka ee lagu arkay xisbiga Erdogan iyo xulafadiisa oo helay 323 ka mid ah 600 oo kuraas ah – heerkii ololaha doorashada ayaa hoos loo dhigay iyadoo labada musharraxba ay ka tanaasuleen isu soo baxyo ballaaran oo horay loo arkay.
Like this:
Like Loading...