Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Sacuudiga ayaa shuruuc cusub ka soo saartay imaanshaha dalkaas waxayna dadka doonaya inay Xajka gutaan la wadaagtay waxyaabaha mamnuuca ah iyo awaamiir la rabo inay raacaan.
Wasaaradda ayaa sheegtay in xujeyda kaash ahaan u sita lacag ka badan SR60,000 ($16,000) amaba dahab laga doonayo inay dowladda ogeysiiyaan.
Farriin ay wasaaraddu soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayay ku tiri: “Fadlan ka fogow qaadashada lacag faro badan iyo alaab qaali ah marka aad u safreyso boqortooyada.
“Tani waxay kaa caawin doontaa inay kuu fududeyso hannaanka”.
Xujeyda ayaa laga doonayaa inay buuxiyaan foom, iyagoo caddeynaya inay sitaan:
- Lacag ka badan SR60,000
- Dahab qiimihiisu ka badan yahay SR60,000
- Alaab ganacsi oo qiimaheedu ka badan yahay SR3,000
- Qaadashada alaab mamnuuc ah
- Inuu qofku sito baco
- Alaab ka badan miisaanka la oggol yahay
Wasaaradda ayaa sheegtay in ciddii u hoggaansami weyso laga qaadi doono tallaabo sharci ah.