Ra’iisal wasaaraha UK, Rishi Sunak, ayaa shirkii G7 ee dhawaan ka dhacay dalka Japan ka sheegay in waddankiisa uu dhaqaalo badan ku bixin doono mshaariicda horumarinta.
Waxa uu ballanqaaday in dowladdiisa ay ka hor dhammaadka 2027 diyaarin doonto 40 bilyan oo dollar si maalgashi gaar ah iyo mid dowladeedba loogu sameeyo kaabayaasha muhiimka ah balse la dayacay ee waddamada soo koraya.
Dalalka G7 ayaa sanadkii 2021 shaaciyay qorshe lagu maalgalinayo kaabayaasha dhaqaalaha ee muhiimka u ah dalalka saboolka ah iyo kuwa heer dhexaadka ah, sida buundooyinka, wadooyinka iyo tamarta aan deegaanka wax u dhimin.
“Waan ognahay awoodda isbedal ee uu keeni karo maalgashiga ay sameeyaan shirkadaha gaarka ah. Waxa ay naga caawiyeen in aan dekado ka dhisno Senegal iyo Somaliland, mashaariic quwadda biyaha laga dhaliyo oo aan ka hirgelinay Rwanda iyo tamarta dabeysha oo aan ka dhisnay Hindiya,” ayuu Sunak ka sheegay shirkii G7.
Waxa uu intaa raaciyay in dalkiisa ay ka go’an tahay xaqiijinta in laga guul-gaaro maalgashiga lagu sameeyo kaabayaasha dalalka, si bulshooyinka waddamadaas looga saaro faqriga.
Xafiiska arrimaha dibedda ee UK ayaa marar badan sheegay in aanu aqoonsaneyn gooni isu taagga Somaliland oo sanadkii 1991 iskeed ugu dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya.
Shirkadda maalgashiga ee British International Investment (BII) oo wixii ka horreeyay April 2022 magaceedu ahaa Commonwealth Development Corporation (CDC) ayaa saami 19% ku leh mashruuca lagu casriyeynayo dekadda Berbera.
Waa shirkad maalgashi oo hoos tagta wasaaradda arrimaha dibedda, barwaaqa-sooranka iyo horumarinta UK. Guud ahaan qaaradda Afrika waxa ay ku leedahay in ka badan 600 oo ganacsi oo qiimahay ku fadhiyaan lagu qiyaasay 4.2 bilyan dollar.
Shirkadda BII oo shuraako la ah DP World ayaa sanadkii 2021 shaaciyay in lacag dhan 1.7 bilyan ku kharash gareyn doonaan saddex dekadood oo ay kamid tahay Berbera. Labada kale ayaa ku yaalla Senegal iyo Masar.
Heshiiska casriyeynta dekadda Berbera oo ku kacaya 442 milyan oo dollar ayaa DP World siinaya in dekaddaas ay maamusho muddo 30 sano, iyo toban sano oo loogu dari karo.
Waxaa hadda socda wejigii labaad ee ballaarinta dekadda, kaasoo maalgashi cusub iyo shaqo abuur u sameyn doona shacabka ku nool halkaas.
DP World ayaa sheegtay in muhiimadda ugu weyn ee ay leedahay dekadda Berbera ay tahay halka ay ku taallo iyo sida ay uga faa’iideysan karto Itoobiya oo aan bad lahayn.
Dekadda Berbera ayaa Addis Ababa u jirta masaafo dhan 900 oo kilo mitir, taasoo la siman dekadda Jabuuti, waxaana ay noqon kartaa marin ka caawiya dalkaas ugu dadka badan Bariga Afrika helitaanka badeecadaha uu u baahan yahay.
Dekadda Berbera ayaa ah isha dhaqaale ee ugu weyn Somaliland, waxaana lagu qiyaasay in halkaa ay xukuumadda Hargeysa ay ka hesho 63% dakhligeeda.