Mareykanka oo ogolaadey in ukrain hesho hub cusub.

Mareykanka ayaa sheegay in uu u ogolaan doono xulafadiisa reer galbeedka in ay siiyaan Ukraine diyaarado dagaal oo casri ah, oo ay ku jiraan diyaaradaha Mareykanka ee F-16, taas oo xoojin doonto Kyiv.

Lataliyaha Amniga Qaranka Jake Sullivan ayaa sheegay in Madaxweyne Joe Biden ayaa go’aankan “ku wargeliyay dhiggiisa G7” shirkii Midowga Yurub ee Japan.

Ciidamada Mareykanka ayaa sidoo kale tababari doona ciidanka cirka ah ee Ukrainesi ay u adeegsadaan diyaaradaha, ayuu yiri Mr Sullivan.

Ukraine ayaa muddo dheer raadineysay diyaarado casri ah, waxaana madaxweyne Volodymyr Zelensky uu tallaabadaas ku tilmaamay “go’aan taariikhi ah”.