Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhimatay ka dib markii uu dab qabsaday hotel ku yaalla caasimadda New Zealand ee Wellington waxaana mas’uuliyiintu ay ka cabsi qabaan in tirada dhimashadu ay kor u kacdo marka kooxda samatabbixinta ay si ammaan ah u baaraan dhismaha gubtay.
Kooxaha dab damiska ayaa lagu wargeliyay dabka ka kacay 92-qol Loafers Lodge hostel ee ku yaala bartamaha Wellington abaaro 12:30 subaxnimo subaxnimadii talaadada (12:30 GMT, Isniin). Taliyaha dab-damiska iyo xaaladaha degdegga ah Bruce Stubbs ayaa sheegay in ilaa hadda la hayo lix meyd ah balse baaritaan buuxa oo lagu sameeyay goobtaasi ay u suurta geli weyday baaxadda khasaaraha dabka.
Like this:
Like Loading...