Dawladda Mareykanka, ayaa sheegtay in ay xayiraaddo dhinaca dal ku galka ( visa) ku soo rogtay shakhsiyaad ay tilmaantay in ay mijo xaabiyaan geedi socodkii dimuqraadiyadda intii ay socdeen doorashooyinka Nigeria 2023-ka.
Xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka Antony Blinken, oo qoraalkan ku baahiyey bartiisa twitter, wuxuu ballanqaaday inuu sii taageeri doono qorshaha Nigeria ku xoojinayso dimuqraadiyadda iyo isku xukunka sharciga.