Raysal wasaarihii hore ee dalka pakistan oo dib uhelay xoriyadiisi.

Raysal wasaarihii   hore ee dalka Pakistan Imran Khan ayaa ka baxay maxkamada Islamabad, maalin kadib markii maxkamada sare ay xukuntay in xabsiga loo taxaabo eedeymo la xidhiidha musuqmaasuq.

Fiidnimadii Jimcaha, xisbiga Mr Khan ayaa sheegay inuu ku wajahan yahay magaalada Lahore.

Garsoorayaasha ayaa Mr Khan u ogolaaday in damiin lagu sii daayo, taasoo la macno ah in aan dib loogu soo xidhi karin eedeymahaas muddo labo todobaad ah.

Maxkamada ayaa sidoo kale amartay in aan lagu xidhi karin wax dacwad ah oo la gudbiyay salaadadii lasoo dhaafay ilaa 17-ka May.

In kasta oo ay jiraan xukunno, haddana eedeymaha musuqmaasuqa ee Mr Khan ayaa weli taagan.

"Madaxa xisbiga ugu weyn dalka waa la afduubay, lagana afduubay maxkamadda sare, iyo dalka oo dhan hortiisa," Khan ayaa u sheegay AFP isagoo ku sugan dhismaha maxkamadda.

"Waxay iila dhaqmeen sidii argagixisanimo, tani waxay ahayd inay fal-celin ka sameyso," ayuu yiri isagoo ka hadlayay mudaaharaadyadii xigay.