Xildhibaan Wiiwaa Oo Sheegay In Hab Sharciga Baal Marsan Loo Bixiyey Qandaraaska La Siiyey Shirkadda IYANTI

Xildhibaan Abddirisaaq Maxamed Faarax (Wiiwaa), oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Deegaanka Hargeysa, isla markaana xubin ka ah Guddida farsamada ee dib u dhiska Suuqa Waaheen, ayaa go’aankii Qandaraaska ee guddida Qadaraasyadu ku siiyeen Shirkadda IYANTI, ku tilmaamay mid sharciga baal marsan oo aan laga talo gelin Dawladda hoose ee Hargeysa
“Dawladda Hoose wâxay ku qiimaysay in lagu dhisi dhismaha DHH ee Mall A1 inta u dhaxaysa $18 Million, waxaana la naadiyey in Qandaraaska shirka cusub lagu siiyey 27 Million, lacagtaas oo Gudiga Dhismaha ee Suuqa Waaheen aanay hayn.” Ayuu yidhi Xildhibaan Wiiwaa oo qoraal dheer oo uu arrintan kaga hadlay ku baahiyey facebook-giisa, waxaanu intaas ku daray
“Waxaan qabaa in Qandaraas kaa lasiiyey shirkadda ajaniba ah iyo faragelinta GQQ ee Suuqa Waaheen ay sharciga baal marsan yihiin oo ay DHH/Gudida Farsamo ee Suuqa Waaheen xaq u leedahay bixinta Qandaraaska iyo ilaalintaba. Sidaa daraadeed waxaa qandaraskaas bixintiisa ay shacisay GQQ ku gadaaman mugdi badan umana gudbi Karo in ay heshiis Ka Dhismaha wada galaan DHH oo ah Mulkiilaha Dhismaha Mall A1 iyo shirkadda IYANTI waana dib u dhac ku yimi habsami u socoshadii dib u dhiska Suuq Waaheen ee ay DHH gacanta ku haysay dadweynahuna in badan u samraayey.”