Qaramada midoobey oo kulan ka yeelaneysa xaalka Suudaan.

Golaha xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobey ayaa kulan degdeg ah isugu imaanaya magaalada Geneva halkaas oo looga hadli doono colaadda Suudaan ka jirta.

Waxaa jira warbixinno isasoo taraya oo sheegaya in la geystay xadgudubyo ka dhan ah aadanaha oo ay ka mid yihiin in la weeraray dadka rayidka ah, kufsi iyo boob loo geystay isbitaallo.

kumanaan dad ah ayaa ku hoy waayey dagaallada, kooxaha gargaarkuna waxay sheegeen in aanay si nabad ah u shaqeynkarin.

Dhowr waddan oo Afrikaan ah oo ay Suudaan ka mid tahay ayaa lasoo shegayaa in aanay ku qanacsanayn qabashada kulankan, iyaga oo ka cabsi qaba in uu carqaladeeyo wadahadallada xabbad joojinta ee socda.

Waxaa kulanka ku baaqay Britain, Maraykanka, Jarlmalka iyo Norway.