Shir Madaxeedka Ciidamada Dhulka ee Qaaradda Afrika ee 2023 ayaa ka furmay magaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast.
Saraakiil sarsare oo ka socda 38 wadan oo Afrikaan ah iyo 5 wadan oo saaxiib la ah, ayaa todobaadka soo socda ku qaadan doona shirar is dabajoog ah oo la isku dhaafsanayo khibrado iyo Aqoon Ciidan mid rayidka xidhiidha.
Mawduuca ugu weyn ee shirka ayaa ah “Wax ka qabashada Caqabadaha Amniga iyada oo loo marayo Iskaashiga Rayidka iyo Militariga”