Xukuumadda Somaliland ayaa jawaab ka bixisay hadal shalay ka soo yeedhay Guddoomiyah Golaha Wakiillada.

Xukuumadda Somaliland ayaa jawaab ka bixisay hadal shalay ka soo yeedhay Guddoomiyah Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yusuf Cali Koore, oo warbaahinta la hadlay ayaa yidhi “Cabdirisaaq Khaliif waxa uu cadaystay fikirkiisii uu kaga soo horjeeday Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland. In badan waxa uu isku dayey inuu Qaranka khiyaamo, waxanu noqday qofka keliya ee dhibtii meesha taallay sii laba jibaaray.”
Wasiir Koorre, waxa uu intaas ku daray. “Cabdirisaaq Khaliif Hantidii halkan looga dhiibay ee loogu talo galay in mushkilada lagu xaliyo ayuu u isticmaalay in dhanka kale shidaal iyo rasaas u siiyey.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.