Madaxwayne Biixi iyo Falcelintii Khudbadiisa?
Dadwayanaha Somaliland ayaa si weyn ugu dhag taagayey waxyaabaha uu kaga hadli doono Madaxwayne Biixi khudbadiisa Dastuuriga ah ee uu shalay ka jeediyey Labada Aqal ee Baarlamaanka, khudbada Madaxweynaha ayaa taabanaysay meelo badan oo kala duwan.
Madaxwayne Biixi waxa uu ka hadlay Doorashooyinka, Mucaaradka, Laasacanood, Xukuumadiisa, Dhaqaalaha, maamul wanaaga, Shaqo la,aanta, amaanka iyo waxyaabo kale oo badan oo la xidhiidha Xaaladda Somaliland iyo Puntland oo muddooyinkii ugu danbeeyey hadallo coladeed is waydaarsanayay.
balse khudbada Madaxwaynaha waxa uu xiiso badan inuu codsaday in Xisbiyada Mucaaradka ahi ay soo bixiyaan lacagta doorashada badhkooda, taasi oo ka dhalisay bulshada dhexdeeda hadal hayn badan oo xambaarsan in doorashaduba ku xidhan tahay inay kharashka doorasahda bixiyaan Xisbiyada Mucaaradka ahi.
Madaxwayne Biixi oo hadalkiisu meelaha qaar iska hor imanayay ayaa dhinaca kalena sheegay inaanay sharci ahayn Musharaxnmada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ee Xisbiga Waddani, halka uu Guddoomiyaha Xisbigaasi Xirsi Cali X. Xasan oo uu hore u duray Guddoomiye nimadiisa uu shalay ku sheegay inuu isagu sharci yahay.
Baraha Bulshada ayaa waxa qabsaday hadalka Madaxwayane ee Doorashada in lacagteeda ay qaybtooda bixiyaan Xisbiyada Mucaaradka ah, dadwayanaha reer Somaliland ayaa fariimo kala duwan ku wadaagay in Doorashaduba ku xidhan tahay lacagataasi madaxwaynuhu ka dalbday Xisbiya Mucaaradka ah sidaasi darteedna loo baahan yahay in lacagta la isku ururiyo si loo dhamaystiro in doorashadu qabsoonto.
Inkastoo khudbada Madaxwayanaha u badnayd canaan bulsho, mid siyasaddeed, mid dhaqaale, mid dhaqan iyo mid Amaan ayaan hadana bulshadu is weydiinaysay madaxwaynuhu cida uu canaanayo maadama oo isaga loo doortay kursigii ugu sarreeyey wixii la saxayana ay ahayd inuu isagu hormood ka noqdo balse uu taasi beddelkeeda bulshada canaan badan u jeediyay.
Sidoo kale, waxa golaha ka maqnaa in badan 43 Xildhibaan oo Golaha wakiillada u badan, kuwaasi oo ku jiray wakhti fasax ah oo aan ka soo xaadirin fadhiga shalay, balse madaxwayne Biixi khudbadiisa kuma xusan taasi, waxaana buuxay kooramka Baarlamanka ee khudbada Madaxawayne biixi ku ansaxaysay.
hadalka Madaxwayne Biixi ee ah Lacagta ha bixiyaan Mucaaradku ayaa ahaa mid aan laga filayn, waxaanay dad badan u arkayeen inuu yahay hadal gole ka fuul ah, balse dhinaca kale badheedhaha uu hawshaasi ka dhiibtay ayaa yaabisay dad badan, oo iyagu aan u arkin in hadalkaasi ahaa mid ku haboon madaxwayne laga sugayo doorasho dhamaystiran oo madaxtooyo taasi oo ka qabsoonta Somaliland oo muddo dheerna la sugayey.
khubada Madaxwayne Biixi ayaa ahayd mid muddo dhaaftay oo ka soo dib dhacday wakhtigii sharciga ahaa ee looga baahna inay qabsoonto, waxaanay taasi keentay in su’aallo badan iska weydiiyaan bulshadu, balse Madaxwayne Biixi ayaa ku jira wakhti muddo korodhsi laba sanno ah oo Golaha Guurtida Somaliland, taas oo ay Mucaaridkuna ganafka ku dhuftay Muddo kordhintaasi.
Wararka MM Somali TV
Info@mmsomalitv.com
+252633294810