Carlo Ancelotti Oo Go’aan Ka Gaadhay Luka Modric Ka Hor Ciyaarta Man City

Tababaraha Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa shaaciyey qorshihiisa Luka Modric ee kulanka habeen dambe ee Manchester City oo lugta hore ee semi-finalka Champions League ay ku martigelin doonaan Santiago Bernabeu, iyadoo uu kubbad-sameeyahani kasoo kabtay dhaawac muruqa ahaa oo uu dhawr maalmood u jiifay.

Luka Modric ayaa shaki la gelinayay taam ahaanshihiisa ciyaarta Man City, laakiin waxa uu shakiga ku buriyey markii uu beddel kusoo galay finalkii Copa del Rey ee Sabtidii ay ku garaaceen Osasuna.

Carlo Ancelotti oo saxaafadda la hadlayay ayaa waxa uu sheegay in Luka Modric uu kusoo bilaabi doono habeen dambe oo booskiisa iyo taam ahaanshihiisaba aanu shaki ku jirin, waxaanu yidhi: “Waxa uu ciyaari doonaa isaga oo aan wax dhibaato ah qabin. Marka uu Luka taam yahay waa uu ciyaarayaa. Waa uu ciyaari doona berri.”

Waxa kale oo la weydiiyey haddii uu kusoo laaban doono iyo in uu beddel ku iman doono maadaama uu dhaawac ku maqnaa in muddo ah, waxaana uu ku jawaabay: “Haa, haa, way iska caddahay. Modric iyo kuwo kaleba way kusoo bilaaban doonaan.” Waxa kale oo uu Carlo Ancelotti soo qaaday booska uu ka ciyaarsiin doono Camavinga oo intii uu dhaawaca ku maqnaa Ferland Mendy ka dheelayay difaaca bidix, waxaanu yidhi: “Camavinga ma aha difaac, marka aanaan kubadda haysaninna, booskiiwu wuu isbeddelaa. Mararka qaarkood waxa uu u ciyaara sida  khad dhexe, waxa uu tagaa laymanka dhexdooda, markaa ma aha difaac bidix oo inta badan dibedda u baxaya. Waxa aanu haysanaa Vinicius oo dhinacaas ah oo khatartiisu badan tahay.”