Weriye ayaa lagu toogtay waqooyiga-galbeed ee ay dhibaatadu ka jirto ee Cameroon. Waa dilkii 3-aad ee sanadkan loo geysto Saxafi oo ka dhaca dalkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in Anye Nde Nsoh uu ku sugnaa baar ku yaala magaalada Bamenda markii dabley aan heybtooda la aqoonsan ay rasaas ku fureen.
Waxa uu u shaqeeyay wargeys toddobaadle ah, lagu magacaabo Advocate.