Nin dil ka geystay Mareykanka oo la Aqoonsadey.

Maamulka gobolka Texas ee dalka Mareykanka ayaa magacaabay nin hubeysan oo siddeed qof ku dilay xarun laga dukaameysto oo ku taalla Dallas, waxaana magaciisa lagu sheegay Mauricio Garcia, oo 33 jir ah.

Ninkan oo ka soo jeeda Dallas laftirkiisa, ayaa waxaa toogtay askari booliis ah oo ka qayb galayay taleefoon kale oo aaggaas ka dhacay.

Sida uu sheegay madaxweyne Joe Biden ninka hubaysan ayaa weerarkii Sabtidii u adeegsaday qoriga noociisu yahay AR-15, wuxuuna soo xirtay qalabka dagaalka,

Baarayaal ay soo xiganeyso warbaahinta Mareykanka ayaa sheegaya in laga yaabo in uu xiriir midigta fog lahaa.