Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan h la yeeshay Wasiiru dawlaha horumarinta Afrika ee Dawladda Uk.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan habka maqalka iyo muuqaalka ah (Video Conference) la yeeshay Wasiiru dawlaha horumarinta iyo Arrimaha Afrika ee Dawladda Uk, Andrew Mitchell, waxaana kulankaa lagaga wada hadlay xaaladda Magaalada Laascaanood iyo Arrimaha doorashooyinka Somaliland.

Ugu horrayn, Madaxweynaha Qaranka Somaliland waxa uu wasiirka uga xog warramay arrimaha xaaladda Laascaanood iyo halka ay Xukuumaddu ka taagan tahay, sidii xal nabadeed oo waara looga gaadhi lahaa, xukuumaddiisuna ay marwalba diyaar u tahay xabbad joojin bilaa shuruud ah, siday marmar hore ka dhawaajisay, dadka reer Somaliland ee Laascaanood-na ay ka heshiin doonaan marwalba wixii dhacay balse waxa muhiima oo ay tahay in beesha caalamku maamulka Puntland-Soomaaliya ku amraan inay ciidamadeeda kala baxdo gudaha Laascaanood iyo gudaha Xuduudka Somaliland, taas oo uu madxweynuhu u cadeeyey wasiirka inay caqabad iyo fidno ku tahay dedaallada xal u raadinta Laascaanood.
Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu ku wargeliyey Wasiiru-dawlaha in Ciidamada Maamul Gobolleedka Puntland ee Soomaaliya ee Laascaanood soo buux dhaafiyey ay ujeedadoodu tahay inay jeexaan xuduud qabyaaladeed, taasoo saamayn-doonta waddamo kale oo ka mida Afrika, Waxaanu intaas ku daray in ay Qaranka Somaliland ka go’an tahay inuu difaacdo Dalkiisa iyo xuduudihiisa, sida waddamada kale ee adduunka ay waajibka ugu tahay inay difaacdaan xuduudahooda