Faysal Cali Waraabe oo sheegay goortay bilaabmi karaan wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya .

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ee Somaliland Eng Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu Damacsanyahay Inuu wada hadal La yeesho dhigiisa Soomaaliya.

Gudoomiye Faysal oo qoraal ku qoray Bartiisa Twitterka uu ku leeyahay ayaa yidhi”

“Muuse Biixi, wuxuu ku cadaadinayaa Xasan Sheekh inuu la kulmo” Faysal Cali Waraabe
Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Muuse Biixi uu ku cadaadinayo Xasan Sheekh Maxamuud inuu la kulmo “Waxaan ogaaday in Muuse Biixi ku cadaadinayo Xasan Sheekh Maxamuud in ay wada hadal fool-ka-fool ah uu la yeesho. Wuxuu ku dul ciyaarayaa dab” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe oo qoraal kooban soo geliyey bartiisa Twitter-ka, waxaanu intaas raaciyey “Haddii ay dib u bilowdaan wada hadallada Somaliland iyo Somalia, waxay dib u bilaabmayaan oo keliya ka dib marka ay qabsoonto doorasho madaxtooyo, waxaana wada hadalladaasi hoggaamin doona Madaxweyne la doortay oo sharci haysta”