Sudaan ayaa cagaha kula jirta dagaallo iyo colaaddo la saadaalinayo in ay noqdaan kuwo riiq dheeraad ah oo dalkaasi burburiya.
Colaadan ka taagan Sudan ayaa albaabado cusub oo dhaqaale u furaysa Somalia, madaaama oo xasiloonid darrada ka taagan Sudan ay keentay in Masar oo ahayd Waddan ay u dhoofiso Xoolaha Nool iyo qamadidu ay ka fikirayaan imika in ay hesho waddan u beddela Sudan.
Wasiirka sahayda iyo Ganacsiga Guddaha ee Masar Ali Al-Moseli, ayaa sheegay in xoolihii iyo hilibkii ay ka soo dhoofsan jireen Sudan ay saameeyeen dagaallada ka socdaya halkaas, taasi beddelkeena ay doonayaa in ay u wareegaan dhinaca Somalia “Dhibaatada Suudaan awgeed, waxaa jirta fursad ah in hilib aad u wanaagsan laga keeno Soomaaliya iyo Chad si muwaadiniinteena ay u quudiyaan ama u cunaan.”
Arrintan ayaa ah tallaabo ay si weyn uga faa’iidaysan karaan Soomaalidu, iyada oo waxyaabaha ay dibedda u dhoofiyaan ay ugu horreeyaan xoolaha nool, taas oo dhaqaale badan ay ka helaan Soomaalidu madaama ay yihiin dad xoolo dhaqato ah.
Dad Masar ku nool oo lagu qiyaaso dad ka badan 100 milyan ayaa hore waxa u saameeyey qamadidii uga iman jirtay Ukraine oo iyada dagaallo ka socdaan, Sudan oo u ahayd meelaha ugu muhiimsan ee ay ku tiirsanay ayaa iyadu imika colaad ka taagan tahay, waana sababta ay Somalia u noqonays meelaha ay doonayaan in ay Xoolaha nool ka dhoofsadaan