Dawlada Soomaaliya oo sheegtay inay dishay Hogaamiyeyaal ka tirsan ururka Al-Shabaab .

Hawl gal ay sameeyen ciidamada soomaaliya ayaa sidoo kale lagu dhaawacay xubno kale oo ka tirsan ururka AAl-Shabaab.


Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda ee NISA ayaa sheegtay in hawlgal ay si wadajir ah Khamiistii u fuliyeen iyaga iyo saaxiibada caalamka oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose ay ku dileen ugu yaraan 20 ka mid ah maleeshiyada Al-shabaab.

Bayaan goor dambe oo Jimcihii ah kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in halwgalkan uu ka dhacay inta u dhaxaysa deegaannada Ugunji iyo Mubaarak ee gobalka Shabeellaha Hoose.

NISA ayaa intaas ku dartay in tobannaan kale oo Al-shabaab lagu dhaawacay howlgalkan, isla markaana ay ‘firxadkooda ku daba joogaan kuwa kale oo baxsad ah.’

“Howlgalka aan dalkeena iyo dadkeena uga xorreynayno Khawaarijta ma joogsan doono ilaa iyo inta taako ka mid ah dhulkeena ay joogaan Khawaarijta, waxaana u mahadcelinaynaa Shacabka Soomaaliyeed iyo Saaxiibada Caalamka ee nagu garab taagan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta” ayaa lagu yiri bayaanka NISA.