Macalinka kooxda Bayern Munich ee Thomas Tuchel ayaa dhulka jiiday garsooraha French-ka ah ee Clement Turpin kaas oo dhex dhexaadinayay kulankii Manchester City ay xalau kula ciyaareen Allianz Arena.
Sky Blues oo lugtii hore 3-0 kusoo jiidhay Tuchel iyo wiilashiisa ayaa markale xalay dhammaystiray kooxdaas oo ay Germany barbardhac 1-1 ah kula galeen.
Tuchel oo caan ku ah dhaq-dhaqaaqiisa geeska garoonka ayaa xalay ka xanaaqay go’aamo badan oo uu garsoore Turpin gaadhay isagoo ugu dambayn kaadh cas qaatay garoonkana laga saaray.
Tuchel ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay bandhigii kooxdiisa marka laga yimaado inay ku fashilmeen inay kasoo laabtaan natiijadii 3-0 ka ahayd.
Thomas ayaa sheegay in xaalada garoonkoogu aysan xalay aad u fiicnayn sidoo kalena garsooruhu uusan ahayn mid heerkii la doonayay ah isagoo ku darajeeyay “Grade E” oo ka dhigan heerka shanaad.
“Laba arrimoodba ma aysan ahayn heerka la doonayay, garoonka (Cawsku) kuma uusan jirin xaaladii ugu fiicnayd sidoo kale garsooruhuna nasiib darro wuxuu ahaa heerka shanaad”.
Kulanka ayaa ahaa mid ay ka dhaceen dhawr dhacdo oo muujinayay lama filaan dhinaca go’aamada uu garsooruku qaatay ah.