Frank Lampard Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Chelsea Ee Uu Kala Hortegayo Real Madrid

Chelsea ayaa waxay caawa garoonkeeda Stamford Bridge ku qaabbilaysaa Real Madrid oo 2-0 kusoo garaacday lugtii hore ee wareegga siddeedda Champions League, waxaana uu Frank Lampard shaaciyey liiska xiddigaha uu kala hor tegayo kooxda reer Spain.

Inkasta oo Chelsea ay tahay koox ku wanaagsan kulamada Real Madrid, haddana Blues ayaa waxa ciyaartii hore lagu soo karbaashay Santiago Bernabeu, sidoo kalena xilli ciyaareedkii hore aya amarxaladdan oo kale ay Los Blancos kaga reebtay tartanka Champions League.

Chelsea oo xilli ciyaareedkii ugu xumaa ku jirta, waxay ogsoon yihiin in haddii ay caawa ka guuleysan waayaan Real Madrid ay geli doonaan xilli ciyaareedkoodii ugu xumaa ee intii ka dambaysay sannadkii 2003 oo ahayd waqtigii uu naadiga la wareegay Roman Abramovich oo bishii May lagu qasbay inuu iibiyo markii lagu eedeeyey inuu xidhiidh la leeyahay madaxweynaha Ruushka ee duullaanka ku qaaday waddanka Ukraine.

Ben Chilwell oo casaan la siiyey lugtii hore ayaa ka maqan Blues, sidoo kalena Kalidou Koulibaly ayaan qayb ka noqon doonin oo wali kasoo kabanaya dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii Santiago Bernabeu.

Halkan kaga bogo liiska xiddigaha Chelsea ay caawa kala hor tegayso Real Madrid

Goolhayeyaal: Kepa Arrizabalaga, Edouard Mendy, Marcus Bettinelli

Difaacyahanno: Thiago Silva, Trevoh Chalobah, Reece James, Cesar Azpilicueta, Marc Cucurella, Wesley Fofana.

Khadka Dhexe: Enzo Fernandez, N’Golo Kante, Mateo Kovacic, Ruben Loftus-Cheek, Mason Mount, Denis Zakaria, Conor Gallagher.

Weeraryahanno: Christian Pulisic, Joao Felix, Mykhailo Mudryk, Raheem Sterling, Hakim Ziyech, Kai Havertz.