Xiddigii hore ee kooxaha Real Madrid, Arsenal iyo xulka Germany ee Mesut Ozil ayaa si lama filaan ah ugu soo baxay musharraxiinta doorashada baarlamaanka waddanka Turkiga ee dhowaanta qabsoomi doona, waana arrin soo baxaysa muddo kooban kaddib markii uu shaaicyey inuu ka fadhiistay kubadda cagta dhaawacyo soo gaadhay awgii. Ozil ayaa la sheegay in uu soo gelayo siyaasadda oo uu waliba ka mid noqonayo xubnaha baarlamaanka ee waddanka uu asal ahaan kasoo jeedo ee Turkiga, maadaama uu waqti hore ka guuray waddanka uu ku dhashay ee Germany oo lagu faquuqay, eedo badanna loogu jeediyey sannadkii 2018 markii uu la kulmay Madaxweynaha Turkey Racep Tayyip Erdogan, isla markaana uu xulka Germany wareeggii koowaad kaga hadhay Koobkii Adduunka ee lagu qabtay Ruushka.
Sida uu qoray wargeyska Tukiyewspaper, Ozil aya aka mid ah liiska xubnaha u sharraxan baarlamaanka Turkey ee doorashooyinka soo socda, waxaana uu ka tartamayaa oo uu ka sharraxan yahay xisbiga talada haya ee AK Party.
Warkan ayaa soo baxaya kaddib markii uu madaxweyne Recep Tayyip Erdogan sheegay inay magacyo lama filaan ah oo dadka ka yaabin doona ka mid noqon doonaan liiska murashaxiinta, laakiin dad ay tiradoodu aad u yar tahay ayaa filayay inuu ka mid noqon doono kubbad-sameeyahan hore ee Arsenal iyo Real Madrid.
Ozil ayaa waxa uu ku dhashay waddanka Germany oo ay waalidkii u guureen iyaga oo muhaajiriin ah, isla markaana lagu siiyey dhalasho maadaama ay xidhiidh dhow leeyihiin Turkey oo ay dad badan oo ka guuray Turkey ay noqdeen Jarmal.
Sannadkii 2019 ayuu bannaanka yimid xidhiidhka dhow ee uu la leeyahay madaxweynaha Turkey oo ka qayb-galay arooskii laacibkan ee ka dhacay magaalda Istanbul, iyadoo uu Ozil guursaday gabadh reer Turkey ah oo u dhashay laba hablood.