Milateriga Myanmar ayaa ku dhawaaqay inuu qorsheynayo inuu sii daayo 3,113 maxbuus, oo ay ku jiraan 98 ajaanib ah, si loogu xuso sanadka cusub ee dhaqanka ee dalkaas.
Hadalka ka soo baxay militariga Isniintii laguma cadeyn in kuwa u xiran ka soo horjeeda awoodooda February 2021 la sii deyn doono iyo in kale.
Milatarigu waxa uu xabsiga dhigay kumannaan qof oo ka soo horjeeday iyo dadka u ololeeya dimuqraadiyadda tan iyo markii ay la wareegeen awoodda oo ay si arxan darro ah u demiyeen mudaaharaadyo, oo ay ku jiraan iyagoo dilay ilaa 3,240 rayid ah, sida ay sheegeen dhaqdhaqaaqayaasha.
Lieutenant General Aung Lin Dwe, oo ah afhayeenka milatariga, ayaa sheegay in cafiska uu yahay "dabaaldegga sanadka cusub ee Myanmar si loogu farxo dadka waxna looga qabto walaacyada bini'aadantinimo".
Like this:
Like Loading...