Xiddiga Talyaaniga Ciro Immobile ayaa loo qaaday cusbitaalka ka dib markii uu galay shil gaari oo xun isagoo gaarigiisa uu ku dhacay tram-ka.
Kabtanka Lazio oo 33 sanno jir ah ayaa caruurtiisa gaari ku waday bartamaha magaalada Rome markii uu shilka dhacayay saaka oo Axad ah.
Sawiro shilka laga soo qaaday ayaa muujinayay in gaariga Immobile oo ahaa Land Rover SUV inuu gabi ahaanba afka hore ka burburay, wuxuuna shilka ka dhacay meel u dhow garoonka Stadio Olimpico oo ay wadagaan kooxaha Lazio iyo Roma.
Waxaa loo qaaday cusbitaalka laakiin waxaa la fahamsan yahay in dhaawac weyn uusan soo gaarin sida ay sheegeen warbaahinta maxaliga ah.
Immobile ayaa u sheegay warbaahinta AGTW: “Tram-ka waxa uu gudbay taraafiko casaan ah. Nasiib wanaag waan fiicanahay, kaliya gacanta ayaa i xanuuneysa.”
Immobile wuxuu kabtan u yahay kooxda horyaalka Serie A ka dhisan ee Lazio, isagoo u ciyaaraya xulka Talyaaniga tan iyo 2014kii.
Waxa uu leeyahay seddex caruur ah oo kala ah labo gabdhood iyo wiil. Weli ma cadda tirada caruurtiisa ee gaariga la saarneyd waqtiga uu shilka dhacayay. Boliiska ayaa baaraya shilkaan.