Arsenal oo ka warqabta in Manchester City kulankeedii toddobaadkan xalay ka adkaatay Leicester City ayaa maanta kulan muhiim ah booqanaysa kooxda ay London wada degaan ee West Ham United.
Gunners ayaa doonaya inay wadada guulaha kusoo laabtaan kaddib markii ay hoggaan 2-0 ah iska lumiyeen kulankoodii ugu dambeeyay oo ay Liverpool barbardhac 2-2 ah lasoo galeen.
West Ham ayaa dhinaceeda ku jirta dagaalka looga cararayo kaalmaha Premier League lagaga dhaadhaco iyagoo saddex dhibcood ka sarreeya kaalmahaas.
Gunners ayaa rajaynaya inay Hammers daalan yihiin kulankan oo aysan taam ahaansho buuxa haysan sababtoo ah inay Europa Confrence League soo ciyaareen Khamiistii oo ay kooxda Gent booqdeen.
Si kastaba, xulashada Mikel Arteta ee xiddigaha uu ku tagayo London Stadium ayaa laga dhex waayay daafaca dhexe ee William Saliba oo wali amaah ku maqan balse waxa soo laabtay weeraryahan Eddie Nketiah.
Gunners oo rajaynaya in Saliba kulamada soo socda soo kaban doono ayay sidoo kale ka maqan yihiin ciyaartan Mohamed Elneny iyo Tomiyasu.
Liiska Oo Dhammaystiran
Goolhayayaasha: Ramsdale, Turner iyo Hillson
Daafacyada: Ben White, Gabriel, Holding, Kiwior, Zinchenko, Tierney iyo Walters.
Khadadka Dhexe: Partey, Odegaard, Vieira, Jorginho iyo Xhaka
Weeraryahanada: Jesus, Smith-Rowe, Martinelli, Saka, Nelson, Trossard iyo Nketiah