Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa amaan ugu qubeeyay kooxda Premier League kala tirsan ee Brighton.
Maaha markii ugu horreysay ee uu Guardiola si cad u sheego inuu taageero u yahay hab ciyaareedka tababaraha Talyaaniga ah ee Roberto De Zerbi.
Guardiola oo ka hadlayay tartanka horyaalka Premier League iyo kulamada baaqiga u ah ee ku adag ayaa tusaale usoo qaatay Seagulls.
Pep ayaa kooxda macalin De Zerbi ku sifeeyay mida ugu wanaagsan dunida kubadda cagta marka ay noqoto qaabka kubadda xaga dambe looga soo dhiso ee goolka looga soo saaro.
Xaqiiqadu waa inaanu lix dhibcood ka dambayno, qofna ma ballanqaadayo inaanu badin doono kulankayaga baaqiga ah ee aanu kahor tagayno kooxda ugu fiican xaga dambe kasoo dhisida kubadda dunida oo dhan ee Brighton” ayuu yidhi Pep.
“Ma jirto koox kale oo si ka wanaagsan u samaysa nidaamka kubadda lagu gaynayo qaybta kooxda kale ee garoonka, ma jirto koox kaga wanaagsan kubadda casriga ah haatan”.
“Maanu samayn wax kooxaha kale ka duwan balse waxaanu nahay kooxda labaad ee ugu hagaagsan horyaalka, markaa aad uma xuma sidoo kale. Dhibaatadayadu waa in Arsenal cajiib ahayd ilaa haatan, waxay samaynayaan si aad u wanaagsan balse anagu sidoo kale ma samaynayno si xun”.
“Uma malaynayo inay musiibo tahay haddii aanaan horyaalka ku guuleysan, halkaas waanu joognaa balse cid ayaa naga wanaagsan kaliyana waa inaanu aqbalno, qirano oo hore uga socono”.
Brighton ayaa kulankii wareega hore ee horyaalka guuldarro 3-1 ah kala soo kulantay City balse la xasuustaa inay Etihad Stadium kubad haysashada kaga badnayd kooxda Guardiola.