Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa loo sheegay, in ay taxadar ka sameeyaan khadka dhexe ee Real Madrid oo ay awoodda saaraan sidii ay u joojin lahaayeen halista iyo dhaqaaqa kubbad-sameeyaha reer Croatia ee Luka Modric, marka ay caawa garoonka Bernabeu ku booqdaan Los Blancos.
Lugta hore ee wareegga siddeedda Champions League ayay Real Madrid ku mrtigelin doontaa Chelsea, iyaga oo toddobaadka dambena ku kala bixi doona garoonka Stamford Bridge ee magaalada London.
Chelsea oo ku jirta xilli ciyaareed xun oo ay macasalaamaysay dhamaan tartamada, sidoo kalena kaalinta 11aad kaga jirta miiska kala-sarraynta Premier League, ayaa waxa kaliya oo xilli ciyaareedkooda ay ku badbaadsanaa Champions League oo ay ku guuleystaan.
Khabiirka kubadda cagta ee Chris Sutton ayaa la taliyey Frank Lampard ka hor ciyaarta caawa, waxaana uu u sheegay inuu Los Blancos kala hor tago shax xooggan, isaga oo awoodda saaraya khadka dhexe, gaar ahaan Luka Modric oo ay tahay in la joojiyo.
Sutton ayaa waxa uu sheegay, in Modric oo 37 jir ah uu yahay ciyaartoyga ugu khatarta badan Real Madrid, haddii isaga la joojiyana ay kooxda oo dhan istagayso, waxaana uu u tilmaamay ciyaartoyga shaqadaas qaban karaya oo ah N’Golo Kante.
“Khadka dhexe ee Liverpool waxa burburisay Real Madrid wareeggii hore, Chelsea na ma ogolaan karto in ay sidaasi ku dhacdo.” Ayuu Sutton ku bilaabay hadalkiisa, waxaanu sii raaciyey: “N’Golo Kante waa uu tabbartay ka hor ciyaarta lugta hore, waana waxweyn oo usoo kordhay Blues.
“Laba sannadood ka hor, markii ay Chelsea semi-finalka ku garaacday Real, xiddiga garoonka ee labada lugoodba waxa uu ahaa Kante, sidoo kalena finalkii Manchester City.
“Real waxay haystaa dookhyo wanaagsann oo khadka dhexe sah, sida Luka Modric, Toni Kroos, Federico Valverde, Eduardo Camavinga iyo Aurelien Tchouameni, laakiin Kante ayaa jilbaha dhulka u dhigi karaya.”