Waa tuma haweeneyda Trump u diiddan fursadda uu mar kale ku noqon karo madaxweyne?

Ku dhawaaqista Nikki Haley ee ah in ay u tartami doonto doorashada madaxtinimada 2024-ka ayaa ka dhigaysa in ay noqoto jamhuurigii ugu horeeyay ee Donald Trump kula tartanta musharaxnimada xisbiga. Haddaba sidey ku timid rajadeeda madaxtinimo?

Nikki Haley waxa ay caan ka noqotay Maraykanka in ka badan toban sano ka hor markii 2010, ay noqotay barasaabka gobol ee ugu da’da yaraa Maraykanka iyada oo jirtay 39 sano. Guusha ay ka gaartay gobolka ay ku dhalatay ee South Carolina ayaa muhiimad gaar ah u lahaa – waxay ahayd haweenaydii ugu horreysay ee hoggaamisa gobolka koonfureed ee muxaafidka ah iyo gudoomiyahii ugu horeeyay ee dadka Eeshiyaanka ah.

Musharaxnimadeeda waxa loo arkayay mid ay waqti dheer ka soo shaqeysay. “Loma eegin si dhab ah, waxaa jiray 10 naga mid ah oo moodayay inay guulaysan karto,” saaxiibkeed ayaa dhawaan sidaa u sheegay wargeyska Politico. Olole xooggan kadib waxa ay ugu dambeyn taageero heersare ah ka heshay Mitt Romney iyo Sarah Palin.

Guusha ay ka gaartay masraxa ay ragga inta badan ku hardamaan ayaa u horseeday in lagu tilmaamo xiddig Jamhuuri ah oo soo kacaysa oo wax ka beddali karta muuqaalka xisbiga ay ragga u badan yihiin. “Tani waxay habeen aad u wanaagsan u tahay kumannaanka qof ee ku nool gobolkan kuwaas oo rumaysnaa guusha ololahan,” ayay u sheegtay dadkii kasoo qayb galay isu soo baxa guusheeda.

Labadii xilli ee ay barasaabka ahayd, waxay soo shaqeysay intii u dhaxeysay 2011 iyo 2017, waxay muujineysaa halka 51-jirkani ay ka taagan tahay arrimaha waaweyn. Waxay hanatay sumcadda ah inay tahay xubin Jamhuuri muhiim ah iyo hoggaamiye ganacsiga u roon oo diiradda saartay usoo jiidista shirkadaha waaweyn ee South Carolina. “Haddii aad timaadid [halkan], qiimaha ganacsi sameysashadu wuu yaraan doonaa,” ayay tiri xilligaas.

Waxay nafteeda ku tilmaantay inay tahay mid nolosha u hiilisa oo taageerta sharciga South Carolina ee loogu talagalay in lagu xakameeyo ilma iska soo rididda. Ms Haley waxay saxiixday sharci ka hortagaya soogalootiga sharci darrada ah sannadkii ugu horreeyay ee ay barasaab ka noqoto gobolkaas, waxaana tan iyo markaas ay dhaleecaysay siyaasadda xuduudaha ee Madaxweyne Biden. Waxay sheegtay inay taageerto – oo ay difaaci doonto – xuquuqda haysashada hubka.

Nikki Haley
Qoraalka sawirka,Rasaasayn 2015 kii ka dhacday kaniisad ku taal South Carolina ayaa qeexday hogaaminta Nikki Haley

Arrinta iftiimisay hawl-karnimadeeda, korna u qaaday sumcadeeda waddanka oo dhan, ayaa ahayd markii 2015 nin caddaan ah uu galay kaniisadda Mother Emanuel AME Church ee Charleston oo uu toogtay sagaal qof oo madow ah oo cibaadaysanayay.

Weerarka – oo Ms Haley ay markii dambe ku sheegtay “mid burburiyay nolosheeda oo dhan” – wuxuu ahaa isku day lagu hurinayo dagaal isirka ku salaysa, sida ay sheegeen dacwad oogayaasha. Ninka hubeysan ayaa la sawiray isagoo sita calanka Confederate-ka ee gobolladii koonfurta ee adoonsiga xilligii uu socday dagaalkii sokeeye ee Mareykanka, calankaas oo ay dadka qaar weli u arkaan astaanta cunsuriyadda.

Ms Haley waxa ay sanado badan iska caabinaysay mucaaradka ka dhanka ah calanka balse waxa ay bedeshay mowqifkeeda. Shan maalmood ka dib xasuuqii kaniisadd ayey ku baaqday in laga saaro dhulka dawladda, iyada oo soo bandhigtay hab-raac ku dhammaaday bil ka dib markii jab iyo dood caadifadeed ka dib, mooshin laga keenay sharci-dejinta gobolka.

“Calankaasi meel ayuu leeyahay,” ayay tiri ka dib markii ay saxiixday ka saarista sharciga. “Mana ahan meel matalaysa dhammaan dadka South Carolina.”

Laakiin dhowr sano ka dib 2019, Ms Haley waxay la kulantay jawaab celin ka dib markii ay u sheegtayweriye idaacad muxaafid ah in calankan uu astaan u yahay “adeegga, allabaryada iyo dhaxalka” oo uu “afduubtay” ninki hubaysnaa ee Charleston.

Waxay sidoo kale sheegtay in warbaahintu ay isku dayday in ay ka hadasho sheekada ku saabsan toogashada. “Waxay rabeen inay tan la xiriiriyaan cunsuriyad, waxay rabeen inay ugu marmarsiyoodaan xakamaynta hubka,” ayay tiri.

Trump iyo Nikki
Qoraalka sawirka,Donald Trump ayaa intuu madaxweynaha ahaa mar u magacaabay Nikki, ergayga Maraykanka u fadhiya Qaramada Midoobey

Ms Haley waxay inta badan xustaa taariikhdeeda – waxa uu magaceeda ahaa Nimrata Nikki Randhawa oo ku dhalatay Bamberg, South Carolina.

Qoyskeedu waxa uu ahaa soogalooti ka soo jeeda Hindiya oo leh dukaan dharka lagu iibiyo.

Waxay sheegtay inay u adkaysatay canaanta cunsuriyadda ah yaraanteedii oo dhan, muuqaal ay ku shaacinaysay tartankeeda madaxtinimo, waxay ku sheegtay inay kortay “Madowna mahayn, caddaanna ma ahi – waan ka duwanaa”.

“Waxaan ahayn dad qalaad markii aan korayay. Laakiin taasi maahan wax aan caadi ahayn. Dadka kaa duwani waa dad qalaad meel walba oo adduunka ah,” ayay ku qortay xusuus-qorkeeda 2019. “Mareykanku wuu ka duwan yahay sababtoo ah bulshadayadu way na aqbashay.”

Ms Haley ayaa sheegtay in inkasta oo ay la kulantay cunsuriyad lafteedu, haddana aanay u qaadanayn in Maraykanku yahay cunsuri nidaam ahaan. “Taasi waa been, Ameerika maaha waddan cunsuri ah,” ayay u sheegtay Shirweynaha Qaranka ee Jamhuuriga sannadkii 2020.

Ms Haley waxaa dhaleeceeyay qaar ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada ka dib ay qirtay inaysan isticmaalin magaceeda koowaad – iyadoo qaarkood ay ku andacoonayaan inay “been abuurtay” aqoonsigeeda.Balse afhayeen u hadlay ayaa mar dambe u sheegay joornaalka USA Today inay loo yiqiinnay magaceeda dhexe ee sharciga ah – Nikki – tan iyo markii ay dhalatay.

Markii 1996 ay guursatay Michael Haley, oo ay ku kulmeen Jaamacadda Clemson iyada oo baranaysa xisaabaadka, waxay qaadatay magaca dambe ee ninkeeda. Lamaanuhu waxay qabteen laba xafladood oo aroos – mid mad-habka masiixiga ee Methodist iyo mid diinta Sikh ah – waxayna isu dhaleen laba carruur ah.

Ka dib qalin-jabinteedii, Ms Haley waxay gacan ka geysatay ganacsiga dharka ee qoyskeeda. Waxay siyaasadda soo gashay 2004-tii ka dib markii ay ku guulaysatay kursi ka mid ah golaha sharci dejinta gobolka South Carolina, iyada oo haysay saddex xilli ka hor inta aysan noqon barasaab.

Nikki Haley

Ms Haley waxay dhaleecaysay Donald Trump intii lagu jiray doorashadii 2016-kii, iyadoo taageertay dhowr ka mid ah dadkii kula tartamay doorashadii is reebreebka. Waxay sheegtay in uu metalo “wax kasta oo aan carruurtayda baray in aanay ku samaynayn dugsiga caruurta”.

Balse waxa ay iska casishay xilka barasaabka South Carolina sanadkii 2017 kadib markii ay aqbashay magacaabista madaxweynihii xilligaasi ee ahaa in ay noqoto danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay.

Waxay halkaas ka shaqaynaysay muddo laba sano ah, si ka duwan qaar badan oo ka mid ah madaxdii hore ee Mr Trump, weligeed ma aanay isku dhicin madaxweynaha. Waxay si joogta ah u riixday mawqifka maamulka ee taageersan Israel waxayna mawqif adag ka qaadatay Waqooyiga Kuuriya iyo Ruushka.

Ka dib markii ay xilka ka degtay ka hor inta aan la gaarin doorashadii xilliga dhexe ee November 2018, waxaa jiray warar sheegaya in Ms Haley ay kula tartami doonto Mr Trump magacaabista musharraxa xisbiga Jamhuuriga ee 2020 ama ay ku bedeli doonto Mike Pence madaxweyne ku xigeenkiisa.

Waxay si cad u dhaleecaysay Trump ka dib rabshadii 6dii Janaayo 2021 ee Capitol – “Waxaan u baahanahay inaan qirno inuu na daayay,” ayay u sheegtay Politico. Waxayna hadal ay jeedisay maalin ka dib rabshadihii ay ku tiri “Falalka uu sameeyay tan iyo maalintii doorashada si adag ayaa loo qiimayn doonaa taariikhda”.

Aragtida ay ka qabto madaxweynihii hore ayaa sida muuqata tan iyo xilligaas is bedashay. Sannadkii 2021, waxay wacad ku martay inaysan Trump kula tartami doonin Aqalka Cad. Laakiin waxay beddeshay mawqifkaas bilihii la soo dhaafay, iyadoo soo xiganaysa baahida loo qabo “isbeddel jiil” taasoo ay ula jeeddo 76-jirka Mr Trump.

“Waxaa la joogaa waqtigii jiilka cusub ee hoggaamin lahaa uu dib u ogaan lahaa mas’uuliyadda maaliyadeed, sugidda xuduudaha iyo xoojinta dalkeenna,” ayay tiri mar ay ku dhawaaqday tartankeeda madaxtinimo.

BBC Somali

4 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.