Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Manchester City ee Rodri ayaa tilmaamay laba arrimood oo looga baahan yahay ciyaartoyda kooxdiisa inay sameeyaan kulanka Bayern Munich ee lugta hore ee wareegga siddeedda Champions League ee ay Salaasada habeen dambe ku ciyaari doonaan Etihad Stadium. Manchester City oo sannadkii hore soo gaadhay semi-finalka Champions League oo ay Real Madrid ku reebtay, ayaa waxay rajaynaysaa inay sannadkii labaad oo xidhiidh ah tagaan halkaas, balse waxa ka hor taagan Bayern Munich oo ay tahay inay meel iska saaraan.
Tababare Pep Guardiola ayaa ka hor tegaya kooxdiisii hore, waxaanay ciyaartani ugu soo beegantay iyadoo uu dib ugu soo laabtay Erling Haaland oo laba gool dhaliyey ciyaartii ay Sabtidii 4-1 ku xasuuqeen Southampton.
Rodri oo warbaahinta la hadlayay maanta ayaa waxa uu xiddigaha kooxdiisa xasuusiyey laba arrimood oo lagama maarmaan ay tahay inay sameeyaan si ay usoo dhaafi karaan Bayern Munich, waxana uu middahore ku tilmaamay inay si fiican ciyaarta ku bilowdaan iyo inay weerar aan joogsi lahayn ku qaadan Bayern Munich. “Waxa aanu u baahanahay in aanu ciyaarno kubbad degdeg ah, waa in aanu ciyaarta si fiican ku bilaabano oo aanu weerar badan qaadno. Waxa aanu ku jirnaa qaab fiican, waana in aanu sii wadno.” Ayuu yidhi Rodri.