Halyeeyga kooxda Manchester United ee Paul Scholes ayaa saadaalin ka nixinaysa tababare Erik Ten Hag ku sameeyay kooxdiisii hore iyo bartilmaameedkooda koowaad ee suuqa xagaaga.
Man United ayaa xagaaga mid kamida boosaska ay doonayaan inay iska xoojiyaan yahay weeraryahan dhexe waxaana inta ugu badan lala xidhiidhinayaa hoggaamiyaha weerarka Tottenham ee Harry Kane.
Cristiano Ronaldo ayaa dhammaadkii sanadkii hore ka hayaamay Old Trafford, kooxda ayaa bedelkiisa lasoo saxeexatay Wout Weghorst oo amaah ugaga yimid Burnely balse la filayaa inay saxeex rasmi ah booskaas ka samayso xagaaga.
Scholes ayaa qiray in dhibka Man United yahay dhinaca gool-dhalinta Harry Kane-na uu xalin lahaa balse uu ku faraxsan yahay Tottenham.
“Waxaan filayaa in goolashu dhibaato ku yihiin (Man United) oo in badan ka dambaysa Arsenal iyo City marka laga eego dhinaca goolasha” ayuu yidhi Paul.
“Waxaan filayaa in Harry aad ugu faraxsan yahay halka uu joogo, haddii uu baxayo waxay ahaan lahayd inuu City ku biiro dhawr sano kahor”.
“Mid cajiib ah ayuu u noqon lahaa (Man United), 25 gool ayuu kuu damaanadqaadayaa xilli ciyaareedka balse aad ayay ugu adagtahay inuu baxo isagoo 30 sano jir ah”.
“Waxaan sidoo kale filayaa inay halis ku tahay Man United haddii ay dhammaan diirada saarto Harry Kane kaddibna uu Daniel Levy iyaga qaso waxay ku dambaynayaan weeraryahan la’aan”.
“Haddii aad xilli hore hesho kaddib waa cajiib balse waxaan filayaa inuu ku faraxsan yahay Tottenham”.
Man United ayaa hadda booska afraad kaga jirta Premier League iyagoo saddex dhibcood ka sarreeya Spurs xilli waliba kulan baaqi u yahay.