sarkaalka Xuutiyiinta u qaabilsan wada-hadallada isdhaafsiga maxaabiista ee dagaalka Yemen, ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in 13 maxbuus oo Xuuthiyiin ah ay gaareen Sanca.
Sacuudi Carabiya ayaa sii deysay in ka badan 12 maxbuus oo Xuuthiyiin ah ka hor inta aan la sii deyn maxbuus kale oo ay ku heshiiyeen dhinacyada dagaallamaya, sida uu sheegay afhayeen u hadlay fallaagada Yemen.
Siideyntan Sabtidii ayaa ku soo beegantay iyadoo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Cumaan ay gaareen caasimadda Yemen ee Sanca, taasoo qeyb ka ah dadaallada caalamiga ah ee lagu soo afjarayo colaadda Yemen ee sanadaha badan ka socotay.
Abdul-Qader el-Murtaza, oo ah sarkaalka Xuutiyiinta u qaabilsan wada-hadallada isdhaafsiga maxaabiista ee dagaalka Yemen, ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in 13 maxbuus oo Xuuthiyiin ah ay gaareen Sanca.
Waxa uu sheegay in maxaabiista la sii daayay ay ku bedelanayeen Maxbuus Sacuudiga u dhashay oo Xuutiyiinta ay sii daayeen mar sii horeysay.
Ma uusan sheegin goorta ay fallaagada sii daayeen maxbuuska Sacuudiga.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda Sacuudiga.