Magacyada SAGAALKA Ciyaartoy Ee Lama-taabtaanka U Ah Erik Ten Hag Oo La Shaaciyey

Manchester United ayaa go’aamisay mustaqbalka sagaal ka mid ah ciyaartoydeeda oo ay ka xarrimtay inay ka bixi karaan Old Trafford xagaaga foodda inagu soo haya, kuwas oo la geliyey ‘liiska xiddigaha lama-taabtaanka ah’.

Red Devils oo la filayo inay suuqa iibka ciyaartoyda si weyn uga dhax muuqato xagaaga, ayaa waxa u calaamadsan dhawr boo soo uu tababare Erik ten Hag farta ku fiiqay inay u baahan yihiin xiddigo kasoo nooleeya naadigiisa, isaga oo saluugsan laacibiinta hadda auga dheela booskas.

United oo afar jeer oo kaliya guuleysatay tobankii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League, ayaa waxay go’aamisay in sagaal ciyaartoy oo ka mid ah xiddigaheeda hadda ay qayb ka ahaadaan qorshaha xilli ciyaareedka dambe oo ay waliba lama-taabtaan noqonayaan, halka inta kalena aanu mustaqbalkoodu caddayn.

Xiddigaha ugu wanaagsajn tababarka iyo xafiitalnka garoomada ee  David de Gea, Raphael Varane, Lisandro Martinez, Luke Shaw, Casemiro, Christian Eriksen, Bruno Fernandes iyo Marcus Rashford ayaa ku jira xiddigaha muhiimka ah ee aanay marnaba kooxdu iibin doonin.

Laakiin waxa jira ciyaartoy aanay waqti fiican isku helin Erik ten Hag oo inta badan u jiifay dhaawac oo isaguna liiskan soo galay, wana weeraryahanka reer France ee Anthony Martial.

United oo heshiis cusub ka saxeexday Luke Shaw ayaa waxa kale oo ay ku dedaalaysaa in ay Marcus Rashford iyo David De Gea qalinka u qaataan qandaraasyo cusub maadaama qandaraasyadoodu dhamaad yihiin.

Ciyaartoyda kale sida, Varane, Martinez, Casemiro iyo Fernandes ayaa ay sannado ka hadhsan yihiin heshiisyadooda, halka Eriksen ay kooxdu qorshaysay inay u bandhigto heshiis cusub.