Chelsea Oo Dooratay Tababaraheeda Cusub Xilli Ay Ka Leexdeen Enrique, Nagelsmann & Mourinho

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa waxa diiraddeeda soo galay tababaraha Real Madrid ee Carlo Ancelotti oo ay ka fiirsanayso siyaabaha ay ku heli karayso, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Real Madrid ay doonayso inay shaqada ka erido dhamaadka xilli ciyaareedkan. Chelsea oo Khamiistii tababare ku-meelgaadh ah u magacowday Frank Lampard oo sii hayn doona illaa dhamaadka xilli ciyaareedka ayaa waxay raadinaysaa tababare khibrad leh oo isku dubba-rida xiddigaha tirada badan ee ay Blues iskugu keentay Old Trafford.

Blues ayaa waxa lala xidhiidhinayaa tababareyal waaweyn, sida Luis Enrique, Jose Mourinho, Julian Nagelsmann iyo kuwo Antonio Conte, laakiin waxa hadda soo galay Carlo Ancelotti oo la sheegay in si lama filaan ah loogu dhax arkay liiska tababareyaasha Chelsea ay doonayso inay magacowdo.

Khabiirka Talyaaniga oo xilli ciyaareedkan ay kooxdiisu u muuqato inay luminayso horyaalka LaLiga oo 12 dhibcood ka dambaysa Barcelona oo hoggaanka haysa, laakiin u gudubtay finalka Copa del Rey iyo wareegga siddeedda Champions League League, ayaa waxa uu mugdi ku jiraa mustaqbalkiisa Santigo Bernabeu. Ancelotti ayaa hore usoo layliyey Chelsea oo uu u qaaday horyaalka Premier League sannadkii 2010, waxaana uu Todd Boehly u arkaa shaqsiga ugu habboon ee loo dhiibi karayo kooxda marka laga eego dabeecadda fiican, laakiin waxa kale oo doonaya Ancelotti xidhiidhk akubadda cagta Brazil oo qorshahoodu yahay inay u magacabaan tababarahooda cusub.