Xildhibaanada Maraykanka ayaa Arbacadii waxay iska diideen digniin ka soo baxday safaaradda Shiinaha oo ku aaddanayd inaanay la kulmin madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen oo booqasho ku joogta gobolka California.
Xildhibaano ka kala tirsan labada xisbi oo gaadhaya illaa 17 mudane oo uu wehelinayo afhayeenka aqalka wakiillada ee Maraykanka Kevin McCarthy ayaa kulan gaar ah kula yeeshay madaxweynaha Taiwan, makatabadda Ronald Reagan ee ku taalla Simi Valley, California.
Warbaahinta Maraykanka ee Punchbowl ayaa sheegtay in qaar ka mida xildhibaanada Maraykanka ee kulankan ka qaybgelayey, inay saacado ka hor heleen fariimo email ah oo muujinaya “sida Shiinuhu uu uga walaacsan yahay [la kulankooda Tsai]”