Weerar lagu qaadey dad ku cibaadeysanayey masjidka Al-Aqsa.

Booliska Israa’iil ayaa weerar ku qaaday tobanaan qof oo ku cibaadaysanayay masjidka Al-Aqsa ee magaalada Jerusalem, iyagoo dhaawacay toddobo qof, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Weerarku wuxuu dhacay ka hor waaberigii Arbacadii iyadoo booliiska Israa'iil ay sheegeen inay ka jawaabayeen "rabshado".

Bisha Cas ee Falastiin ayaa sheegtay in dhaawacyo ay soo gaareen balse ma aysan faah faahin inta qof ee dhaawacantay. Bayaan ay soo saartay ayay ku sheegtay in ciidamada Israa’iil ay ka hortagayaan dhaqaatiirteeda inay gaaraan magaalada Al-Aqsa.