Tababareyaasha shaqada laga eryayo waa ay sii socon doonaan xilli ciyaareedkan, waxaana go’aan gaadhay koox weyn oo reer Yurub ah oo usbuuca dambe miiska saari doonta warqadda shaqada ay kaga eryayso macallinkeeda haddii uu kasoo bixi waayo shuruud lagu xidhay.
Labadii toddobaad ee u dambeeyey, waxa tababareyaashoodii eryey Bayern Munich oo magacowday Thomas Tuchel, Tottenham oo wali tababare raadinaysa, Chelsea oo suuqa ku jirta iyo Leicester City.
Waxa kooxahan kusoo biiraysa kooxda horyaalka Faransiiska ee Paris Saint-Germaian oo iyaduna go’aamisay inay erido tababare Christophe Galtier kaddib guul-darradii xanuunka badnayd ee ay Lyon ugu dhiibtay garoonkooda Parc des Princes fiidnimadii Axadda.
Sida uu qoray wargeyska L’Euqipe, PSG aya u sheegay tababare Chrisophe Galotier in kaliya fursad loo siinayo labada ciyaarood ee soo socda oo haddii uu guulo keeno uu kooxda sii joogi doono illaa dhamaadka xilli ciyaareedkan, haddii kalena uu albaabka ka bixi doono.
PSG oo siddeed jeer laga badiyey 18kii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee ay dheeshay tan iyo bilowgii sannadkan 2023, isl amarkaana ay isku xigeen guul-darrooyinkii ay u xambaariyeen Stade Rennais iyo Olympique Lyon, ayaa waxay hadda min lix dhibcood oo kaliya ka horreysaa Marseille iyo Lens oo soo kulaalaya.
Labada ciyaarood ee loo qabtay Christophe Galtier ayaa waxay bilaabmi doonaan Sabtida oo ay PSG safar ugu tegi doonto Nice ka hor inta aanay martigelinin Lens oo uu hunguri kaga jiro horyaalka xilli-ciyaareedkan.