Pep Guardiola Oo Sharraxay Sababta Uu Liiska Kooxdiisa Uga Saaray Erling Haaland Oo Uu Shalay Ballan-qaaday Inuu Ciyaarsiinayo

Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester City ee Pep Guardiola ayaa sharraxay sababta uu liiska ciyaartoydiisa ugu soo dari waayey weeraryahanka reer Norway ee Erling Haaland oo uu shalay sii sheegay inuu ciyaarsiin doono, maadaama lagu jiro xilli xaasaasi ah oo khatarta loo badheedhayo.

Guardiola oo ay kooxdiisu martigelinayso Liverpool, ayaa waxa liiska xiddigaha Man City laga waayey Erling Haaland oo aan garoonkaba joogin, waxaanay sababtu tahay in aanu si buuxda uga soo kabanin dhaawacii uu la dhibaatoonayay.

Xiddigan hoggaaminaya tartanka gool-dhalinta Premier League oo hore uga maqnaaday kulamadii Spain iyo Georgia ee isreeb-reebka Euro 2024, ayaa waxa uu Pep Guardiola xaqiijiyey inuu diyaar u noqon waayey ciyaartan, sidaas daraadeedna ay u fadhiisiyeen.

Pep oo la hadlay BT Sports ayaa waxa uu sheegay in uu ku dhiirran kari waayey inuu khatar geliyo Erling Haaland maadaama aanu taam buuxa ahayn, waxaanu yidhi: “Wuu kafiican yahay sidii hore, laakiin maanta taam buuxa ma aha. Waanu la hadalnay, khatarna ma gelin karayno.

“Taam uma aha ciyaartan, mana dareemayo in uu fiican yahay. Ma aha dhibaato weyn laakiin maanta ma aanu fiicnayn.

Si kastaba, weerarka dhexe ee Manchester City ayaa waxa kusoo bilowday Julian Alvarez oo wacdaro ka dhigay Koobkii Adduunka ee uu xulkiisa Argentina ku guuleystay.