Xiddig Muhiim Ah Oo Real Madrid Dhaawac Kaga Maqnaanaya SAGAAL Ciyaarood waa kuma

Real Madrid ayaa waayeysa xiddig muhiim ah kulanka adag ee Barcelona ee lugta labaad ee semi-finalka Copa del Rey, taas oo ay dad badan rumaysan yihiin inay tahay ciyaarta uu ku xidhan yahay mustaqbalka tababare Carlo Ancelotti oo haddii uu guul ka keeni waayo oo kooxdu usoo bixi weydo finalka uu shaqadiisa lumin doono.

Los Blancos oo lugtii hore ee Santiago Bernabeu lagaga soo badiyey 1-0, ayaa waxay dib uga dhaawacmay difaaca bidix ee reer France ee Ferland Mendy oo dhowaan kasoo laabtay dhaawac uu saddex bilood u jiifay.

Mendy ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay tababarka kooxdiisa, isla markaana uu garoomada ka maqnaan doono muddo bil ah, taas oo ka dhigan in aanu qayb ka noqon doonin ciyaarta Barcelona ee Copa del Rey ee lugta labaaad iyo sidoo kale kulamada Chelsea ee wareegga siddeedda Champions League.

27 jirkan ayaa waxa kale oo uu ka maqnaan doonaa lix ciyaarood oo horyaalka LaLiga ah oo kooxdiisa kusoo aaddan, waana Real Valladolid, Villarreal, Cadiz, Celta Vigo, Girona iyo Almeria, waxaana shaki la gelinayaa inuu u ciyaari doona kooxda mar kale xilli ciyaareedkan.

Ferland Mendy ayaa waxa uu hore u seegay siddeed ka mid ah sagaalkii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka LaLiga oo uu dhawac ku maqnaa, waxaana uu Carlo Ancelotti booskiisa u kala dooran doonaa Nacho Fernandez, Eduardo Camavinga iyo David Alaba oo dhowaan kasoo laabtay dhaawac.