Abaar ka jirta Tunisia oo Sababtay In Biyaha laga jaro Caasimadda iyo magaalooyin kale.

Dawladda Tuniisiya ayaa bilawday in ay joojiso qaybinta biyaha la cabo xilliyada habeenkii meelaha caasimadda iyo magaalooyinka kale

Dawladda Tuniisiya ayaa bilawday in ay joojiso qaybinta biyaha la cabo xilliyada habeenkii meelaha caasimadda iyo magaalooyinka kale, sida ay sheegeen dadka deegaanka, arrintan oo u muuqata mid lagu dhimayo isticmaalka biyaha xilli ay jirto abaar daran.

Joojinta biyaha iyada oo aan hore loo sii sheegin, waxay halis ku tahay inay sii huriso xiisadda bulshada dhexdeeda ah ee waddan uu dadkiisu la ildaran yihiin adeegyada bulshada oo liita, sicir-bararka sare iyo dhaqaalaha daciifka ah.