Muxuu yahay shuruudaha hogaamiyaha mucaaradka kenya hor dhigey madaxweyne ruto ?

Wuxuu dowladda ugu baaqay in marka hore ay fuliso shuruudaha ay u soo bandhigeen oo ay ka mid tahay in qiimaha maciishada ee sarreeya ay wax ka qabato.

Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa cambaareeyay weerarkii lagu qaaday beer uu leeyahay madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta.

Kooxaha weerarka gaystay ayaa Isniintii boobay boqollaal xoolo ah ka hor inta aysan dab qabadsiin qaybo ka mid ah beerta.

Waxaa loo arkaa mid looga aargoosanayo taageerada uu Kenyatta u muujiyay Mr Odinga oo ku baaqay dibad baxyo ka dhan ah sare u kaca qiimaha maciishadda iyo caddaalad darro ay mucaaradku ka tabanayaan doorashadii dhacday sanadkii hore.

Ugu yaraan hal qof ayaa la dilay, waxaana la gubay guryo ku yaalla isku raranta Kibra ee magaalada Nairobi, iyadoo laga cabsi qabo in fowdadu ay isu beddesho rabshado qowmiyadeed.

Hoggaamiyaha mucaaradka dalka Kenya Raila Odinga ayaa ku eedeeyay dowladda in ay rabshado u beddeshay dibadbaxooda oo ahaa mid nabad ah.

Waxaa uu si kulul uga hadlay weerarkii lagu qaaday beer uu lahaa madaxwaynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta.

Raila ayaa carabka ku adkeeyay in dimuqraadiyadda Kenya la soo weeraray isla markaana dalka uu qarka u saaran yahay inay ka dhacdo musiibo.

“Waxaan aragnay in la weeraray hanti si gaar ah loo leeyahay, beerta madaxwaynihii hore ee dalka mudane Uhuru Kenyatta ayaa la weeraray,” ayuu yiri Odinga.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in ciidamada amniga ay ka gaabiyeen sugidda amniga beerta madaxweynihii hore.

“Waxaa la yaab lahayd in boolis aysan joogin goobtaasi, sidoo kale waxaa kooxo qas wadayaal ah loo diray shirkad aan aniga leeyahay, dhagxaan ayay la dhaceen, waxaan aragnaa in hay’adaheenii dimuqraaddiyadda uu weerar ku socdo isla markana Kenya ay qarka u saaran tahay musiibo halis ah,” ayuu yiri.

Kenya waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka socday dibadbaxyo ay wadeen mucaaradka kaasoo lagu codsanayay in dowladda ay wax ka qabato heerka maciishadda oo sare u kacay iyo arrimo kale.

Raila Odinga oo ay BBC waydiisay su’aal ahayd in uu diyaar u yahay wadahadallo uu la galo madaxwayne William Ruto ayaa sheegay in wadaxaajood uu la galo dowladda ay ku xirayaan shuruudo.

Wuxuu dowladda ugu baaqay in marka hore ay fuliso shuruudaha ay u soo bandhigeen oo ay ka mid tahay in qiimaha maciishada ee sarreeya ay wax ka qabato.

“Waxaan iri waxaa jira shuruudo ay tahay in la fuliyo ka hor inta aannaan yeelan wadaxaajood mira dhala, marka hore Mr Ruto waa in uu joojiyo in mucaaradka uu ku eego il xushmad darro ay ku dheehan tahay, Mr Ruto waa in marka hore uu xushmeeyaa nidaamka xisbiyada badan,” ayuu yiri.

Odinga ayaa sii sharraxay shuruudaha ay ku xirayaan dowladda ka hor inta aysan miiska wadahadalka isugu imaan.

“Marka labaad waa in uu aqbalaa in kombiyuutaradii doorashada la furo si aan u eegno waxa ku jira, marka saddexaad waa in uu joojiyaa dib u dhisidda guddiga doorashada ka hor inta aannan wada fariisan oo aan laga wada hadlin, ugu dambeyntiina waa in uu aqbalaa in uu xalliyo dhibatada maciishada ee dadkeena saameysay.”

Isbahaysiga mucaaradka ee Azimio ee uu hoggaamiyo Raila Odinga ayaa waxay taageerayaashooda ugu baqeen dibadbax dalka ka dhaca maalmaha Isniinta iyo Khamiista.

Booliiska ayaa mamnuucay dibadbaxyadan isla markaana ku tilmaamay kuwo sharci daro ah.

Xaaladda ayaa faraha ka baxday ka dib markii la weeraray beerta madaxweynihii hore, halka dab la qabad siiyay goobpo lagu cibaadeysto.

Warrarka ayaa sheegaya in dadka weeraray beerta Uhuru Kenyatta ay jareen geedihii ku yaallay beerta iyaga oo adeegsanayay miinshaar waxayna sidoo kale dhaceen xoolihii ku noolaa beerta oo u badnaa ido.