TODDOBA Xiddig Oo Manchester United Ah Oo Loo Qabtay Inay 12 Ciyaarood Ku Badbaadsanaadan Mustaqbalkooda Old Trafford

Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ee Erik ten Hag ayaa go’aamo waaweyn qaadan doona marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan socda, isaga oo durba ku wargeliyey toddoba ka mid ah xiddigihiisa inay isku badbaadiyaan muddada kooban ee ka horreysa dhamaadka bisha May.

Manchester United ayaa la filayaa inay saxeexyo waaweyn samayn doonto, gaar ahaan farka hore ee weerara, khadka dhexe iyo difaaca halka sidoo kalena ay raadin doonaan goolhaye labaad oo kaydka u fadhiisan doona David de Gea.

Ten Hag ayaa waxa uu hore horeba dareemay in ay kooxdiisa ka wiiqan tahay weerarka dhexe ee uu dhaawaca kaga maqan yahay Anthony Martial, halkaas oo Ralf Rangnick uu hore uga ciyaarsiin jiray Cristiano Ronaldo.

Red Devils oo ku guuleysatay Carabao Cup, sidoo kalena semi-finalka joogta FA Cup ayaa waxa kale oo ay wareegga siddeedda usoo gudubtay wareegga siddeedda Europa League iyo Premier League oo ay kaalinta saddexaad kaga jiran. Tababaraha 53 jirka ah ee reer Netherlands ee Erik ten Hag ayaa waxa la sheegay inuu toddoba ciyaartoy oo kooxdiisa ah u sheegay, in haddii ay doonayaan inay sii joogaan Old Trafford, in ay isku muujiyaan 12ka ciyaarood ee horyaalka Premier League ee u hadhsan, haddii kalena ay albaabka ka bixi doonaan.