Wasaaradda Xanaanada xoolaha Somaliland oo daahfurtay mashruuca daawaynta xoolaha.

Wasaradda Xanannada xoolaha iyo Horumarinta kallumaysiga Somaliland oo kaashanaysa Hay'adda FA'O ayaa maanta magaalada Hargaysa ku kala dirtay 25 kooxood oo ka qayb qaadan doona ollolaha daawaynta Xoolaha guud ahaan Gobolada Dalka, iyadoo laga daawayn doono xanuunada guud ee ku dhaca xoolaha.

Wasaradda Xanannada xoolaha iyo Horumarinta kallumaysiga Somaliland oo kaashanaysa Hay’adda FA’O ayaa maanta magaalada Hargaysa ku kala dirtay 25 kooxood oo ka qayb qaadan doona ollolaha daawaynta Xoolaha guud ahaan Gobolada Dalka, iyadoo laga daawayn doono xanuunada guud ee ku dhaca xoolaha.

iyadoo Lixdi biloodba hal mar laga daaweeyo xoolaheena Xanuunada guud iyadoo xoojiynaysa shaqada maalinlaha ah oo kasocda xarrumaha wasaaraddu kuleedahay gobolada iyo degmooyinka dalka.

Inkastoo aanay jirin xanuuno hada laga daaweynayo xoolaha oo inagu yimid, hase ahaate Wasaaradda Xanaannada Xooluhu waxaa u qorshaysan inay ka war hayso xoolaheena markasta.

Xannuunada guud ee laga daawayn doono xoolaheena waxaa ugu muhiimsan Nafaqo-darrida, caalka, iyo xanuunada lamidka ah, marka ay isla eegaan nooca u yahay khubarada xooluhu.

Ugu dambeyntii Wasaradda Xanannada Xoolaha iyo Hurumarinta kallumaysigu waxay ugu baaqaysaa bulsho weynta Somaliland inay ka qayb qaataan caafimaadka xoolohooda iyagoo ka faaiidaysanaya kooxahan aan usoodirnay dhamaan gobolada dalka.